Sports News

Barcelona oo dalabkeeda ugu horeeyay ka gudbisay daafaca kooxda Man City ee Eric García

(Barcelona) 09 Seb 2020. Barcelona ayaa muujisay xiisaha ay u qabto saxiixa daafaca reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Eric García, si ay u hesho saxiixiisa inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargayska “Daily Mail” ee ka soo baxa wadanka Ingiriiska, Barcelona waxay soo bandhigtay dalab dhan 8 million euros, oo u dhiganta 7.2 million pounds, si ay ula saxiixato Eric García.

Ilo Isbaanish ah ayaa tilmaamtay in kooxda Man City ay dooneysay inay ku iibiso ciyaaryahanka 40 million euros, oo u dhiganta 36.2 million pounds, taasoo la macno ah in labada dhinac ay tahay inay sii wadaan shaqada si ay ugu heshiiyaan qiimo ay iyaga ku qanacsan yihiin.

García ayaa xaqiijiyay inuusan u janjeerin qandaraaska uu haatan kula joogo kooxda Manchester City, kaasoo dhacaya 2021, laakiin isla mar ahaantaas wuxuu xaqiijiyay inuu ku laaban doono Manchester kaddib marka uu soo gabagabeeyo waajibaadka xulkiisa qaranka Spain, isla markaana uu hadda diirada saarayo xilli ciyaareedka soo socda iyo kooxdiisa reer England.

Waxaa xusid mudan in daafacan reer Spain ee Eric García uu ka qalin jabiyay akadeemiyada kooxda Barcelona, wuxuuna u dhaqaaqay sanadkii 2017 magaalada Manchester City.

Gool FM.

Related Posts