Sports News

Chelsea oo iska xaadirisay wareega Afar dhamaadka tartanka FA Cup kaddib markii ay guul ka gaartay Sheffield United … +SAWIRRO

(London) 21 Maarso 2021. Chelsea oo iska xaadirisay wareega Afarta dhamaadka tartanka FA Cup kaddib markii ay guul kaga gaartay kooxda Sheffield United 2-0, kulan qeyb ka ahaa wareega siddeeda ee tartanka FA Cup.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 24-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga kooxda Sheffield United ee Oliver Norwood, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90+2 Hakim Ziyech oo caawin ka helay saaxiibkiis Ben Chilwell ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Chelsea kaga soo adkaatay kooxda Sheffield United oo ku soo booqatay garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa u gudubtay wareega xiga Afar dhamaadka ee tartanka FA Cup.

SAWIRRO:

Gool FM.

Related Posts