Somali News

Ciidamada xoogga dalka oo bur buriyay fariisimo argagixida ay ku lahaayeen gobolka Sh/Hoose

La wadaag cid kale





Muqdisho(SONNA)-Ururka 84-aad guutada 14-oktoobar ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sacadihii la soo dhaafay halkaa ka sameeyay howlgallo lagu baacsanay kooxaha argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay degaanno hoos taga janaale ee gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidamada  aya howlgalka waxa ay sigaar uga sameyeen tuulooyinka,Uraay iyo Degwiriiri, oo hoos taga Janaale halkaa oo argagixasadu ay ku dhibateen jireen dadka shacabka ah.

Taliyaha Ururuka 84-aad G/le C/llaahi Maxamed Nuur Dool ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu baacsanayay maleeshiyaad dhuumaaleeysanayay oo shacabka lacago baad ah ka qaado isagoona timaamay inay cagta mariyeen meelihii ay gabaadka ka dhiganayeen aragagixisada.

La wadaag cid kale





Related Posts