Sports News

Cristiano Ronaldo oo ugu gooddiyay Manchester United inuu ka tagayo dhammaadka xilli ciyaareedkan… (Maxay tahay sababta?)

(Manchester) 10 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la warinayaa inay halis ugu jirto inay wayso weeraryahankeeda Cristiano Ronaldo suuqa xagaaga ee soo aaddan haddii ay ku guuldarreysato inay usoo baxdo ciyaarista tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Guuldarradii Man United kasoo gaartay dhiggeeda Manchester City Sabtidii ayaa ka dhigan inay Red Devils ka dhacday kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo shan dhibcood u jirta booska loogu soo baxo tartanka horyaallada Yurub halka ay saddex dhibcood ka dambeyso Arsenal oo booska shanaad ku jirta.

Wargeyska The Express ayaa sheegay in Ronaldo uu ku war geliyay kooxdiisa inuu soo af-jari dooni waayahiisa labaad ee Old Trafford haddii ay kooxda ku fashilanto inay kusoo baxdo boosaska sare ee horyaalka kana soo qayb gasho tartanka Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, kabtanka Portugal ayaa illaa iyo haatan ah kan ugu bandhigga wanaagsan Manchester United xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay sagaal kaddib 12 oo uu u saftay dhammaan tartammada tan iyo markii uu xagaagii heshiis labo sano ah ugu soo laabtay Masraxa Riyada oo uu waqtigiisii hore ku qaatay intii u dhexeysay 2003 illaa 2009.

Gool FM.

Related Posts