Somali News

Cutubayo ka tirsan ciidanka xoogga Qaybta 21-aad oo tababar uga socdo xerada Hir-qaboobe ee Guriceel

La wadaag cid kale





Ciidamada Qaybta 21-aad ee xerada Hir-qaboobe magaaladda Guriceel oo ay dib u howlgalisey Dowlada federaalka  ee Soomaaliya ayaa tababar lagu barayay ciidamada xirfadaha milatary ,xeeladaha dagaal,akhriska iyo qoraalka ayaa waxa kormeer ku tagay taliyaha Qaybta iyadoo ay ku wehliyeen Saraakiil Sare oo uu ka mid yihiin G/le Sare Cabdulahi Maxamed Muuse (kayse) Xeer ilaaliyaha Maxkamada.

Cutubyadan ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa taliyahay wax u kula dardarmay ku dadaalan cilmiga ay baranayaan si dalka iyo dadka ayaa hadhow ugu adeegan ayna ka faa’iideysanayaan daruusta ay baranayaan guud ahaanba dufcadan dhowaan qalin jabin doonta.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen Maxamed Cadoow Cali Sanka oo Ciidamadan u furey aqoon kororsigan.

General Sanka Taliyaha Qaybta 21-aad  ayaa ciidamadan cusub ku  booriyay in ay isku diyaariyaan badbaadinta wadanka, la dagaalanka kuwa diidan nabadgalyada iyo xoreynta Deegaanada yar ee ay ku dhuumaaleysanayaan Argagaxisada Al-shabaab.

Dugsigan ayaa soo saaridoona Boqolaal Askari oo ay carbiyeen Saraakiil Soomaaliyeed kuwaasi oo qayb ka noqon doona Howlgalada lagu xoreynayo guud ahaanba wadanka.

 

La wadaag cid kale





Related Posts