Sports News

Daafaca Manchester United ee Eric Bailly oo xiiso ka helaya mid ka mid ah Kooxaha waa weyn ee Talyaaniga

(Manchester) 12 Jan 2021. Daafaca kooxda kubadda cagta Manchester United ee Eric Bailly ayaa la soo warinayaa inuu xiiso ka helayo mid ka mid ah Naadiyada waa weyn ee ka dhisan dalka Talyaaniga.

Sida uu warinayo Sky Sport Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa ka shaqeynaysa sidii ay kula soo saxiixan lahayd daafac dhexe oo cusub, Eric Bailly ayaana ah mid ka mid ah magacyada safka hore kaga jira diiwaanka daafacyada ay doonayso.

Daafacan xoogga weyn ayaa ku dhibtoonaya inuu boos joogto ah a helo kooxdiisa Mancheter United, iyadoo inta badan aan lagu soo bilaabin safka hore, kulammada ay kooxdu ciyaareyso.

Dhinaca kale Abdou Diallo ayaa sidoo kale xiddig kale oo ay Milan doonayso inay soo qaadato haddii ay kooxda Paris Saint-Germain u ogolaato inuu amaah ku baxo.

Gool FM.

Related Posts