Sports News

Gündoğan oo iska indho tiray Ronaldo iyo Messi kaddib markii uu doortay saddexda xiddig ee ugu fiican adduunka

(Manchester) 14 Jan 2022. Laacibka Manchester City ee İlkay Gündoğan ayaa iska indho tiray labada halyey ee kubadda cagta adduunka ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, liiska xiddigaha ugu fiican marka loo eego aragtidiisa.

İlkay Gündoğan ayaa ka jawaabay su’aal uu mid ka mid ah taageerayaashiisa ku soo qoray Twitter-ka oo ku saabsan saddexda ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka.

İlkay Gündoğan ayaa xushay magacyada saddexda ciyaaryahan Robert Lewandowski oo kaalinta koowaad uu dhigay, Mohamed Salah ayuu sheegay inuu yahay xiddiga labaad ee ugu fiican, halka Karim Benzema uu dhigay kaalinta saddexaad.

Man City : Entre Cristiano Ronaldo et Léo Messi, Gundogan a choisi son  favori - L-FRII

Lewandowski ayaa qaab ciyaareed heersare ah la soo bandhigayay kooxdiisa Bayern Munich muddo sanado ah, taageerayaal badan oo kubbada cagta ah ayaana u arkayay inuu yahay midka ugu mudan abaal-marinta Ballon d’Or 2021 uu dhawaan ku guuleystay Lionel Messi.

Gool FM.

Related Posts