Sports News

Iska illow Chelsea iyo Man United, koox ka ciyaarta Premier League oo diyaar u ah inay bixiso lacagaha lagu jebinayo heshiiska Jules Kounde isla bishan January

(England) 12 Jan 2022. Xiddiga difaaca uga ciyaara naadiga Sevilla ee Jules Kounde ayaa bartilmaameed xooggan u ahaa qaar ka mid ah kooxaha Premier League sida Chelsea iyo Manchester United oo lagu daray naadiga reer Spain ee Real Madrid, hase ahaatee, waxaa soo if-baxay xan culus oo sheegeysa inay naadiga Liverpool diyaar u tahay inay bixiso lacaga lagu jebin karo heshiiska Kounde isla bishan January.

Sida laga soo xigtay warsidaha El Nacional, kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dooneysa inay miiska saarto lacag gaareysa 90 milyan oo euro oo u dhiganta 75 milyan oo gini, lacagtaas oo ah midda lagu burburin karo qandaraaska uu difaaca Faransiiska ah kula jiro kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga.

Qorshaha Reds ayaa ah inay isla suuqa bishan January lasoo wareegto 23-sano jirkan si ay difaaceeda ugu xoojiso, xilli lasoo warinayo in Kounde uu doonayo inuu Premier League u weecdo bartamaha xilli ciyaareedkan oo ah suuqa haatan furan.

Si kastaba ha ahaatee, Sevilla ayaa isku dayeysa inay xiddigeeda sii heysato inta ka dhimman xilli ciyaareedkan iyadoo agaasimaha ciyaaraha kooxda ka dhisan gobolka Andalusia ee Mochi uu dadaal ugu jiro sidii uu Kounde uga dhaadhicin lahaa inuu fasalkan ku dhammeysto garoonka Ramon Sachez Pizjuan.

Gool FM.

Related Posts