Sports News

James Rodríguez oo si kulul kaga hadlay ka tagista Lionel Messi ee kooxda Barcelona

(Yurub) 06 Agoosto 2021. Xiddigii hore kooxda Real Madrid ee James Rodríguez in Barcelona ay dhibaato badan soo gaari doonto kaddib markii uu kooxda ka tagay kabtan Lionel Messi ka hor bilowgii xilli ciyaareedka.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war rasmi ah ay soo saartay caawa waxay ku shaacisay bixitaanka Lionel Messi, waxayna uga mahadcelisay wax walba oo uu sameeyay sannadihii la soo dhaafay.

Barcelona ayaa si rasmi ah u shaacisay in kabtankeeda Lionel Messi uusan heshiiska u cusbooneysiin doonin kooxda, isla markaana uusan sii joogi doonin naadiga reer Catalonia, kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisa bishii June ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, James Rodríguez ayaa si kulul kaga hadlay ka tagista Lionel Messi ee kooxda Barcelona, wuxuuna yiri:

“Aguero wuxuu aaday Barcelona haddana Messi wuu baxayaa, tanina waa sida aniga igu dhacday, waxaan u aaday Everton joogitaanka Ancelotti, haddana fiiri meesha uu joogo.”

“Messi wuxuu dhaliyaa 30 gool sanad walbana wuuna caawiyaa, haatan Barcelona waa inay heshaa ciyaartoy awooda inay sidaan sameeyaan.”

“Haddii Messi uu aado Paris Saint-Germain, halkaas ayay kaligood ku ciyaari doonaan, waxayna heli doonaan koob kasta.”

“England gudaheeda, uma maleynayo inay jirto koox awoodi karta inay la saxiixato, marka laga reebo Manchester City.”

Waxaa xusid mudan in Messi uu si cad u sheegay dhamaadka xilli ciyaareedkii 2019/2020 rabitaankiisa ah inuu ka tago Barcelona, ​​laakiin ballanqaadyada qandaraaska ayaa ku qasbay inuu sii joogo.

Gool FM.

Related Posts