Somali News

Jubbaland oo Wafdi u dirtay degaano ay Abaar kajirto

La wadaag cid kale





Kismaayo-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada hoose.

Socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha gargaarka ayaa la xiriira xaaladda abaaraha ee ka jira deegaanno hoos yimaadda magaalada Dhoobley.

Wafdigan ayaa la filayaa inay tagaan degaano dhowr ah oo hoostaga degmada Dhoobleey, si loo gaarsiiyo gurmad kala duwan.

La wadaag cid kale





Related Posts