Sports News

Juventus oo indhaha ku haysa saxiixa labo xiddig oo ka tirsan Kooxda Bayern Munich

(Turin) 25 Jan 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay indhaha la raacayso saxiixa labo ka mid ah xiddigaha Bayern Munich.

Warsidaha Calciomercato ayaa warinaya in Juventus ay tixgelinayso inay u dhaqaaqso soo xero-gelinta labada ciyaaryahan ee ka tirsan Kooxda Bayern Munich ee kala ah Joshua Zirkzee iyo Corentin Tolisso.

Juventus ayaa doonaysa inay la soo saxiixato weeraryahan bishaan, waxaana ay diiraddeeda u weecisay Zirkzee, kaasoo doonaya laftiisu inuu helo boos joogto ah, waxaana lagu heli karaa heshiis amaah ah.

Bianconeri ayaa sidoo kale xiiseynaysa xiddiga khadka dhexe ee reer France, Tolisso, kaasoo ay aad u xiiseynayeen saxiixiisa ka hor inta uusan ku biirin Bayern Munich sanadkii 2017, sidoo kalena loo ogolaan karo bishaan inuu ka tago kooxda Bavarian-ka.

Gool FM.

Related Posts