Sports News

Kooxda Chelsea oo kalsooni weyn ku qabta inay qandaraas cusub ka saxiixanayso mid ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah

(London) 23 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay kalsooni buuxda ku qabto inay qandaraas cusub ka saxiixanayso mid ka mid ah xiddigaheeda muhiimka u ah.

Warsidaha Football Insider ayaa warinaya Chelsea ay kalsooni buuxda ku qabto in Mason Mount uusan isku dayi doonin inuu hoos u dhigo heshiis kordhinta kooxda ama uu iska diido.

22-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan uuu ku eg yahay ilaa sanadka 2024-ka, laakiin waxaa la la xiriirinayay inuu ka tagayo garoonka Stamford Bridge ee Galbeedka Magaalada London.

Chelsea waxa ay dooneysaa Mount in ay heshiis cusub la gasho si ay isaga ilaaliso kooxaha doonaya, waxa ayna horumar ka sameysay wadahadalladii horudhaca ahaa ee ay la gashay ciyaaryahankan khadka dhexe.

Gool FM.

Related Posts