Sports News

“Ku ciyaarista garoonka Anfield waxay tijaabo u tahay Arsenal” – Arteta

(London) 19 Nof 2021. Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in ciyaartoydiisu ay si buuxda uga warqabaan baaxadda caqabada laga filayo kulanka ay kula ciyaarayaan kooxda Liverpool garoonka Anfield.

Naadiga reer London ee Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay wax guul ah ku gaarto garoonka Anfield, kulammada horyaalka Premier League, muddo sagaal sano ah.

Hadalka macalinka reer Spain ee Mikel Arteta ayaa yimid kahor kulanka ay labada kooxood kuwada ciyaari doonaan horyaalka Premier League habeen dambe ee Sabtida.

Bishii August ee la soo dhaafay, Arsenal ayaa ku jirtay kaalinta ugu dambeysa ee kooxaha horyaalka Premier League ee dalka England, kaddib markii laga badiyay 3-dii kulan ee ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan, laakiin kor ayeey u soo kacday oo hadda waxay ku jirtaa kaalinka 5-aad, iyadoo leh 20 dhibcood kaddib 11 kulan ilaa iyo haatan la ciyaaray, iyaga oo 8 kulan xiriir ah aan la kulmin wax guuldarro ah.

Laakiin kooxda Arsenal wax guul ah kuma aysan gaarin kulan horyaalka Premier League ah garoonka Anfield tan iyo 2012-kii, markaasoo xitaa Mikel Arteta uu weli ahaa ciyaaryahan.

Haddaba kahor kulanka ka dhici doono garoonka Anfield, Mikel Arteta oo ka soo muuqday shir jaraa’id ayaa wuxuu u sheegay warbaahinta:

“Waa imtixaan, ka ciyaarista garoonka Anfield waa wax weyn.”

“Waa inaad soo bandhigtaa waxqabadka ugu fiican oo aad sare u qaaddo heerkaaga ugu sarreeya, akhlaaq ahaan, jir ahaan, farsamo ahaan iyo xeelad ahaanba, haddii kale daciifnimadaada ayaa soo muuqan doonta.”

“In lagu ciyaaro garoonka Anfield had iyo jeer waa imtixaan.”

Mikel Arteta wuxuu sharraxay in kooxdiisu ay aad u danaynayso inay xamaasadeeda sii wadato si ay u gaadho natiijooyin wanaagsan, isla markaana ay ku ciyaaraan heerka ugu sarreeya, kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Liverpool oo fadhisa kaalinta afraad iyada oo leh 22 dhibcood.

Si kastaba ha noqotee, tababare Arteta ayaa tilmaamay in xaalada Thomas Partey iyo Pierre-Emerick Aubameyang la qiimeyn doono ciyaarta kahor, isla markaana go’aan laga gaari doono inay ka qeyb galayaan iyo in kale.

Gool FM.

Related Posts