Sports News

Ma dhab baa inuu Thiago Silva ku dhow yahay inuu heshiis cusub la galo kooxdiisa Chelsea?

(London) 25 Nof 2021. Warar kala duwan oo ku saabsan kooxda Chelsea ayaa sheegaya in Thiago Silva uu ku dhowyahay inuu heshiiska u cusbooneysiiyo kooxdiisa goor dhow xilli qandaraaskiisa haatan uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan,

Waxaa dhowaanahan jiray warar ka geddisan midkan oo difaacan la xiriirinaya ku laabashada kooxdiisii hore ee Fluminesne taasoo uu u ciyaaray kahor inta uusan u hayaamin qaaradda Yurub sanadkii 2009 markaas oo uu ku biiray AC Milan.

Si kastaba ha ahaatee, warsidaha UOL ayaa baahiyay inuu waayo-aragga reer Brazil ku dhowyahay inuu Blues kula heshiisyo qandaraas cusub isla markaana uu sii joogo Stamford Bridge xilli ciyaareed kale intuu ku laaban lahaa dalkiisa.

Silva ayaa door muhiim ah ku leh shaxda Macallin Thomas Tuchel isagoo 11 kusoo bilaabasho iyo saddex baddel kusoo muuqday fasalkan kulammadii ay Chelsea ka ciyaartay horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League.

Gool FM.

Related Posts