Somali News

Madaxweynaha Tuuniya oo xayirad kusoo rogay Baarlamaanka dalkiisa

La wadaag cid kale





Moqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Tunisia ayaa shaqada ka ceyriyay xukuumadda wuxuuna xayiray Baarlamaanka Axaddii, taas oo keentay in dadweyne fara badan ay buuxiyaan magaalooyinka waaweyn si ay u taageeraan tallaabada madaxweynuhu qaaday.

Xubnaha Xisbiyada,guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynihii hore ee Tunuusiya Moncef Marzouki, ayaa ku tilmaamay talaabadan afgambi Military oo madaxweynuhu ku kacay iyagoo ugu baaqay shacabka in aanay soo dhowaynin wax ay ugu yeereen halis aad u daran oo sababi karta dhibtaato weyn madaxweynihii hore Tunuusiya ayaa yiri”Waxaan ka codsanayaa dadka reer Tunusiya inay fiiro gaar ah u yeeshaan xaqiiqda ah inay u maleynayaan inay tani tahay bilowgii xalka. Waa bilowgii in loo sii gudbo xaalad ka sii xun tii hore,”

Dhanka kale madaxweynaha Tuunisiya ayaa  qoraal uu soo saaray ku sheegay in talaabada uu qaaday waafaqsan tahay qodobka 80Aad ee dastuurka dalka Tunuusiya,isagoo carabka ku adkeeyey in shacabkiisa lagu dhacay wax uu ugu yeeray munaafaqnimo iyo khiyaano.

La wadaag cid kale





Related Posts