Sports News

Maxaa kasoo kordhay xaaladda dhaawac ee Phillipe Coutinho?… (Rajada uu garoommada ugu soo laaban karo dhowaan oo…)

(Barcelona) 30 Maarso 2021. Waxaa akhbaar aan wanaagsaneyn kasoo baxeysaa xaaladda dhaawaca xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Phillipe Coutinho, kaasoo dalkiisa Brazil loo diray.

Barca ayaa xaqiijisay in kubbad sameeyaheeda Coutinho loo diray dalkiisa hooyo si xaaladdiisa loola kaashado dhaqtar ku taqasusay dhaawacyada jilibka maadaama cillado cusub ay soo bexeen.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda ugu afka dheer Spain ee MARCA ayaa qoreysa in Coutinho ay soo food saareen xanuunno hor leh oo la xiriira dhaawaciisa jilibka kasoo gaaray dhammaadka sanadkii hore, waxayna qormadeeda kusii dartay inuusan dib u ciyaari doonin inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Kaddib markii dhaqaatiirtii Qatar ee laacibkan loo diray horraantii sanadkan ay wax ka qaban waayeen dhaawaca xiddigii hore ee Liverpool, Barca ayaa 28-jirka khadka dhexe ka ciyaara u dirtay dalka Brazil halkaas oo ay suuro gal tahay in qaliin kale oo jilibka ah uu maro.

Isku soo wada duub e, Philippe Coutinho ayaa garoommada ka maqnaa tan iyo 29-kii December 2020 kaddib markii dhaawac daran uu jilibka kasoo gaaray intii ay socotay ciyaartii Eibar.

Gool FM.

Related Posts