Sports News

Memphis Depay oo ka hadlay jawiga uu kaga noolyahay Barcelona tan iyo markii ay la soo saxiixatay

(Barcelona) 20 Agoosto 2021. Weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay ayaa ka hadlay jawiga uu kaga noolyahay kooxda reer Catalonia, tan iyo markii ay la soo saxiixatay bilowgii xagaagan.

Football Espana ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu dhawaan bixiyay Weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Qof walba aad buu iigu fiicnaa Barcelona, ​​taas ayaana ii fududaysay.”

“Pique wax badan ayuu i caawiyay sababtoo ah luuqadiisa ingiriisiga waa mid wanaagsan waxaanan aad ugu raaxeystaa Jordi Alba, sidoo kale De Jong iyo Dest, maxaa yeelay horay ayaan u aqaanay, waa qolka labiska oo qurux badan.”

“Xitaa isma aqoonsan Messi, wuxuu ka soo daahay waqtigii is diyaarinta, sababa la xiriira fasaxii uu helay kaddib Copa America, oo xitaa waan awoodi waayay inaan salaamo.”

Intaas kaddib Weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay ayaa wuxuu ka hadlay tababare Ronald Koeman, wuxuuna yiri:

“Waan ogahay waxa uu iga rabo Ronald Koeman, waana ogahay waxa ay tahay inaan sameeyo.”

“Waxaan isku dayi doonaa in garoonka dhexdiisa aan ku soo kordhiyo wax dheeri ah, iyo inaan kooxda ka caawiyo inaan siiyo waxyaalo muhiim ah si ciyaarta ay ugu farxaan, taasina waxaa sabab u noqoneysa taageerayaasha jooga tarbuunka waana wax aad u wanaagsan, waxay i dareensiineysaa wax cajiib ah.”

Gool FM.

Related Posts