Sports News

Muxuu Ole Gunnar Solskjær ka yiri kaddib guushii waynayd ee kooxdiisa ka gaartay Southampton?

(Manchester) 03 Feb 2021. Macalinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka warbixiyay guushii weyneyd oo ay kooxdiisa kaga gaartay naadiga Southampton garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul weyn kaga gaartay 9 xiddig oo kooxda Southampton ah, kaddib markii ay kaga adkaatay 9-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Haddaba Ole Gunnar Solskjær ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Kahor dhamaadka ciyaarta, kooxda naga soo horjeeday waxay ku ciyaareysay 9 ciyaartoy, sharciga lagu saaray ciyaar yahanka naga soo horjeeday wuxuu ahaa mid layaab leh.”

“Waxaan u sheegay inay garoonka galaan oo ay u ciyaaraan sida ku habboon ee saxda ah, iyo inaan six liidata lala dhaqmin kubadda markii la helo fursado.”

“kama fikirayo guushan weyn, waxaan kaliya diirada saaraynaa horumarka, hagaajinta iyo barashada si loo abuuro boosas badan iyo fursado kulamada.”

”Anthony Martial wuu fiicanyahay wuxuuna dhalin karay gool kale, laakiin nasiib daro kuma uusan guulaysan, laakiin maanta dhamaan ciyaartoydu waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican”.

“Waa inaad ka faa’iideysataa fursadaha kugu soo mara afaafka hore ee goolka ha ahaato kulamada furan ama kuwa adag, sababtoo ah marna ma ogaan doontid waxa uu noqon doono go’aanka”.

“Waxaan si fiican u ognahay micnaha farqiga goolasha, sababtoo ah waxaan hal maalin ku luminay horyaalka 2012-kii sababtan.”

Gool FM.

Related Posts