Somali News

Qaramada Midoobay oo codsatay in hantida ka xayiran Afganistan lagu badbaadiyo dadka

La wadaag cid kale





Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa ka dhawaajiyay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluudha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi.

Xoghayaha,waxa uu ku booriyay beesha caalamka in Qaramada Midoobay  ay ku maalgeliyaan $ 5-bn oo codsi bini’aadanimo ah oo wax loogu qabto dadka dalkaasi ee la ildaran macluusha.

Antonio Guterres ,waxa uu soo jeediyay in  la sii daayo hantida Afgaanistaan ​​ee la xayiray, sii ayuu  yiri looga hortago burburka dhaqaale iyo baahiyaha kale ee ka jira dalka Afganistaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 8.7 milyan oo reer Afgaanistaan ​​ah ay qarka u saaran yihiin macaluul, waxayna intaa raacciyeen  inay muhiim tahay in si degdeg ah dhaqaalaha Afqaanistaan ​​loo geliyo dalkaasi, lagana fogaado burburka u horseedaya faqri, gaajo iyo macaluul malaayiin”.

Beesha caalamku waxay xayirtay hantida Afgaanistaan ​​ee dibadda iyagoo sidoo kale joojisay taageeradii dhaqaale, iyo in ay la shaqeeyaan Taliban.

 

La wadaag cid kale





Related Posts