Somali News

Qaraxa sababay waxyeello kala duwan oo saaka ka dhacay Degmada Hodan

La wadaag cid kale





Qarax ay ka dambeeyeen kooxaha argagixisada ayaa saaka  ka dhacay Degmada Hodan,gaar ahaan meel aan ka fogeyn Dugsi sare Banaadir,kaas oo sababay  khasaare isugu jiray naf iyo maalba.

Arday,macalimiin iyo dad shacab ah oo marayey wadada ayaa wax ku noqday qaraxaasi oo ay fuliyeen kooxaha nabad-diidka.

Taliska ciidanka Boliiska ayaa sheegay in qaraxaasi uu geystay nin naftii halige ah oo watay gaari Surf ah oo laga soo buuuxiyay walxaha qarxa,waxaana intaa la raaciyay in talisku uu dhowaan soo bandhigi doono khasaaraha uu geystay gaarigaasi..

 

La wadaag cid kale





Related Posts