Sports News

Qiimaha ay Chelsea ku iibineyso Christian Pulisic oo la ogaaday xilli laacibkan lala xiriirinayo Barca iyo…

(London) 25 Nof 2021. Laacibka kooxda Chelsea ee Christian Pulisic ayaa si aad ah loola xiriirinayaa ka tagista kooxdiisa xilli uu xiiso badan ka helayo kooxo ay ka mid yihiin Barcelona iyo Liverpool.

Sida laga soo xigtay wargeyska El Nacional, Blues ayaa diyaar u ah inay iibiso xiddiga Mareykanka u dhashay iyadoo madaxiisa dul dhigtay qiimo lacageed gaaraya 42 milyan oo gini.

Barca iyo Reds ayaa dareensan inaysan Chelsea dooneyn inay si sahal ah ku iibiso 23-sano jirkan xilli ay Barca la tacaaleyso dhibaatooyin dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska Pulisic ayaa dhici doono xagaaga 2024, waxaana uu dhexda ka galay mugdi badan oo ku hareersan mustaqbalkiisa tan iyo markii Borussia Dortmund kasoo dhaqaaqay 2019.

Gool FM.

Related Posts