Somali News

Ra’iisul wasaaraha JFS oo cambaareeyey weerer Argagixisadda Al-shabaab ka geysteen Muqdisho.

La wadaag cid kale





Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul wasaaraha JFS oo cambaareeyey weerer Argagixisadda Al-shabaab ka geysteen Muqdisho.

Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo.

La wadaag cid kale





Related Posts