Sports News

RASMI: Xiddig ka tirsan kooxda Real Madrid oo laga helay Korona Fayras

(Riyadh) 14 Jan 2022. Real Madrid ayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimco ah in mid ka mid ah ciyaartoydeeda laga helay caabuqa Korona Fayras.

Los Blancos ayaa isku diyaarinaysa in ay ku wajahdo kooxda Athletic Bilbao garoonka King Fahd International ee magaalada Riyaad Axada soo socota finalka Spanish Super Cup.

Daafaca midig ee Real Madrid Dani Carvajal ayaa seegay tababarka kooxdiisa saaka, kamana qayb qaadan doono kulanka finalka Spanish Super Cup ee ay la ciyaarayaan Athletic Bilbao, kaddib markii laga helay caabuqa Korona Fayras.

Dani Carvajal wuxuu hadda ku sugan yahay hotelka ay kooxda Real Madrid kaga sugan tahay magaalada Riyadh, halkaas oo uu ku raacayo nidaamka caafimaadka ee Boqortooyada Saudi Arabia.

Dani Carvajal ayaa ka qeyb galay kulankii El Clasico ee Barcelona, waxaana lagu bedelay daqiiqadii 91-aad saaxiibkiis Lucas Vázquez.

Real Madrid ayaa 3-2 ku garaacday kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona kulankii afar dhammaadka koobka Spanish Super Cup.

Gool FM.

Related Posts