Sports News

Rüdiger oo doortay kooxda uu jeclaan lahaa inuu ku biiro, haddii uu ka tago Chelsea… (Real Madrid mise PSG?)

(London) 11 Jan 2022. Website-ka Goal ayaa shaaca ka qaaday in daafaca reer Germany iyo kooxda Chelsea ee Antonio Rüdiger ayaa doorbiday inuu u dhaqaaqo naadiga Real Madrid, halkii uu ku biiri lahaa Paris Saint-Germain.

Qandaraaska uu xiddiga reer Germany ee Antonio Rüdiger kula jiro kooxdiisa haatan ee Chelsea ayaa dhici doona xagaaga soo socda, waxana ay u muuqataa in aanu doonayn in uu sii joogo kooxda reer London.

Chelsea ayaa isku dayaysa inay qandaraaska u kordhiso xiddiga reer Germany ee Antonio Rüdiger, gaar ahaan maadaama uu adeegiisa ku tiirsan yahay tababare Thomas Tuchel, laakiin waxa ay u muuqataa in laacibka uu doonayo inuu tijaabiyo khibrad cusub oo meel kale ah.

Shabakada caalamiga ah ee Goal ayaa sidoo kale tilmaamtay in kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid ay aad u xiiseynayaan saxiixa Antonio Rüdiger, kaddib marka uu dhaco qandaraaska uu kula jiro Chelsea.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Antonio Rüdiger uu doorbidayo inuu ku ciyaaro maaliyada Real Madrid si uu uga garab ciyaaro Éder Militão, ama David Alaba.

Gool FM.

Related Posts