Sports News

Samuel Eto’o oo xiiso leh kaga hadlay wararka ku saabsan ka tagista Lionel Messi ee kooxda Barcelona

(Barcelona) 18 Agoosto 2020. Xiddigii hore kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa si weyn kaga soo horjeestay fikrada uu Lionel Messi kaga tagayo Blaugrana.

Samuel Eto’o ayaa si aan gambasho laheyn kaga codsaday saraakiisha kooxda Barcelona inay sameeyaan wax walba oo ay Lionel Messi ugu sii heyn karaan garoonka Camp Nou.

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa kabaha la dulmartay Barcelona oo ay ku garaacday 8-2 kulan qeyb ka ahaa siddeed dhammaadka tartanka xiisaha badan ee Champions League, taasoo ka dhigtay in Messi lala xiriiriyo inuu ka tagayo Blaugrana.

Haddaba Samuel Eto’o ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “TWA Sports” ee dalka Argantina ayaa wuxuu ku sheegay:

“Haddii uu Lionel Messi baxo, waa inaan badalnaa magaca kooxda”.

“Wax walba waa in la sameeyaa si uu Messi xirfadiisa ugu soo afjaro Barcelona, waan jeclahay Lio, Barcelona waa Messi”.

“Waxaan rajeynayaa in kuwa go’aanada gaara ay gaaraan go’aan u fiican kooxda Barcelona”.

“Waxaan had iyo jeer la doonayaa Messi waxa ugu fiican, laakiin kooxda waa Messi, hadii uu go’aansado inuu baxo waa inaan isku daynaa inaan magac cusub u helno kooxda, nasiib ayaan u laheyn inaan heysano ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda”.

Gool FM.

Related Posts