Sports News

Shaxda rasmiga ah kulanka adag Kooxaha Man City iyo PSG ee tartanka Champions League oo la shaaciyey

(Manchester) 24 Nof 2021. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain ee tartanka Champions League ayaa la shaaciyey

Kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa caawa markale ku kulmaya tartanka ugu weyn heerka kooxaha qaaradda Yurub ee UEFA Champions League.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa caawa soo dhoweyneysa dhiggeeda Paris Saint-Germain is-araggooda labaad ee guruubka A ee tartanka Champions League iyadoo ciyaarii hore ay PSG soo adkaatay.

Man City ayaa u baahan kaliya inay guuldarro iska ilaaliso si ay u xaqiijiso usoo bixitaankeeda wareegga 16-ka tartanka horyaallada Yurub, waxayna sidoo kale soo bixi karaan haddii laga adkaado oo ay Club Bruges garaaci weyso RB Leipzig.

SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Manchester City XI: Ederson, Walker, Dias, Stones, Cancelo, Rodrigo, Gundogan (C), Zinchenko, Mahrez, Bernardo, Sterling

SUBS | Steffen, Carson, Ake, Jesus, Laporte, Fernandinho, Palmer, McAtee

Paris Saint-Germain XI: Keylor Navas, Achraf Hakimi, Marquinhos, Presnel Kimpembe, Nuno Mendes, Leandro Daniel Paredes, Idrissa Gana Gueye, Ander Herrera, Lionel Messi, Kylian Mbappe, Neymar.

Gool FM.

Related Posts