Sports News

Tababare Xavi oo fariin kulul u diray laba ciyaaryahan ka tirsan kooxda Barcelona

(Barcelona) 13 Jan 2021. Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernández, ayaa fariin kulul u diray laba ciyaaryahan ka tirsan kooxdiisa, intii lagu jiray kulankii xalay El Clasico oo ay la ciyaareen Real Madrid.

Real Madrid ayaa iska xaadirisay finalka koobka Spanish Super Cup kaddib markii ay ku garaacday kooxda Barcelona 2-3 kulankii wareegga afar-dhammaadka.

Wargeyska Sport ee dalka Spain ayaa soo wariyay in Xavi uu fariin cad u diray labada ciyaaryahan ee Sergiño Dest iyo Samuel Umtiti intii uu socday kulankii xalay ee El Clasico, wuxuuna u sheegay inay raadsadaan koox kale ay ku biiraan qeybta labaad ee xilli ciyaareedkaan.

Xavi ayaa u sheegay labada ciyaaryahan ee Barca inay ka baxeen qorshihiisa xilligaan, isagoo aan wax hadal ah ka dhihin, isagoo gabi ahaanba ka saaray kulankii El Clasico, inkastoo uu tababarua dabada ka riixayay dhowr ciyaartoy oo da’ayar ah kulankii shalay.

Gool FM.

Related Posts