Sports News

Thiago Alcântara oo cadeeyay go’aankiisa kama dambeynsta ah ee ku aadan dib ugu laabashada kooxda Barcelona

(Liverpool) 23 Nof 2021. Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa ka jawaabay wararka sheegaya inuu ku laaban karo Barcelona, isagoo carabka ku adkeeyay inuu diirada saarayo kaliya kooxdiisa si uu ugu guuleysto dhamaan koobabka macquulka ah.

Maalmihii la soo dhaafay, wargeysyada ayaa waxay shaaca ka qaadeen in tababaraha cusub kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez uu markale ku soo celinayo Thiago Alcantara garoonka Camp Nou.

Sababta ugu weyn ee ka dambeysa rabitaanka Xavi Hernandez ee soo celinta Thiago Alcantara ayaa ah qaab ciyaareedkiisa oo gabi ahaanba la mid ah midka kooxda Barcelona.

Shabakadda “Goal” ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara, wuxuuna yiri:

“Ku soo laabashadeyda Barcelona? Anigu waxaan ciyaaraa kubadda cagta, markaa waxba igama gelin wararka xanta ah ee ay saxaafaddu ka hadlayso.”

“Waxaan si buuxda diiradda u saarayaa inaan sida ugu fiican u ku soo bandhigo kooxdeyda, waajibaadkeyga kooxda, qandaraaska aan haysto, iyo sidoo kale loolankeyga cusub ee aan halkan ku heysto Premier League, anigoo isku dayaya inaan kula guuleysto dhammaan koobabka suurtagalka ah kooxda Liverpool.”

Mar wax laga waydiiyay go’aankii uu ku doortay inuu ku biiro kooxda Liverpool 2020, waxa uu ku jawaabay:

“Waxaan qaatay go’aan sax ah 100% hubaal, waan ku faraxsanahay halkan.”

Gool FM.

Related Posts